Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Golaha Shacabka oo Maanta Ansixiyay guddi ku Xigeenada habdhowrka Baarlamaanka.

Muqdisho (Halqaran.com) –Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada muqdisho, waxana shir guddoominayay Guddooomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).

Kulankaan ayaa inta uu socday ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa ay ku  ansixiyeen Habdhawre kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Habdhawre kuxigeenka labaad Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim,kuwaasoo uu soo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),waxaana codka Haa ku ogolaatay 175-xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday halka labad xildhibaan oo kalena ay ka aamuseen.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa sheegay in labada habdhowre kuxigeen uu soo magacaabay kadib markii uu la tashaday kuxigeenadiisa uuna ilaaliyay nidaamkii loo marayay magacaabista.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulanka ka jeediyay warbixino la xiriira dhibaatooyin kajira degaano katirsan gobolka Bakool, halkaas oo dhowr jeer weeraro ka geysteen Xubno katirsan ururka Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...