Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Kenya ee William Ruto
War qoraal ah oo lagu taabacay Barta twitter-ka ee Villa Somaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Ruto laga rajeeynayo in uu sii xoojiyo wadashaqeynta labada dowladood.
“Waxa uu si diiran ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Samoei Ruto, kadib markii uu ku guulaystay doorashada. Madaxweynuhu waxa ka rajaynayaa in uu ka shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dowladood” ayuu yiri Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee African ah oo u hambaleeya Madaxweynaha loo doortay dalka Kenya ee William Ruto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





