Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya oo loo doortay William Ruto

Nairobi (Halqaran.com) – Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Kenya ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashadii sida weyn loogu loollamay ee madaxtinimada, iyadoo dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ay diideen natiijada doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada iyo Ilaalada Xuduudaha Wafula Chebukati ayaa sheegay in Ruto uu helay 7.18 milyan oo cod oo u dhiganta 50.49 boqolkiiba, iyadoo uu Odinga helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85 boqolkiiba.

William Ruto ayaa muddo 10 sano ahaa madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya.

Mr Ruto oo guushiisa ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan awoodda madaxbanaani waxay u sugnaatay shacabka Kenya, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa.

Geesta kale, Afar ka mid ah toddobada xubnood ee Guddiga Doorashada Kenya ayaa Isniinta maanta ah in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashada madaxtinimo ee lagu dhawaaqay.

“Ma qaadan karno mas’uuliyadda natiijada lagu dhawaaqi doono,” ayay warbaahinta u sheegtay Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Juliana Cherera, waxayna hadashay ka hor intii aan si rasmi ah loogu dhawaaqin madaxweynaha dooran, William Ruto.

Ugu dambeyn, Juliana Cherera ayaa natiijadaasi ku tilmaamtay habka loo maray mid uu mugdi ku jiray, balse ma aysan faah-faahin, iyadoo sheegtay in macluumaad dheeri ah ay dib ka soo sheegi doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...