Thursday, June 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya, Xasan oo taageero u raadinaya Golaha Wasiirrada la soo magaabayo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulamadan ayaa ujeedkooda ahaa sidii Xildhibaannada ugu qancin lahaa Madaxweynaha Golaha Wasiirrada la soo magacaabayo iyo sidii ay u taageeri lahaayeen.

Warar ay haleyso mareegta HalQaran News ayaa sheegaya in kulankii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha la qaatay Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ay gebi ahaanba ka baaqsadeen qaar kamid ah Xildhibaannada laga soo doortay degaannada Maamulka Galmudug.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu Madaxweynaha kulamo la qaato Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka, isaga oo ka dalbanaya taageerida Xukuumadda cusub iyo sidii loo ansixin lahaa.

Si kastaba, waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Ra’iiul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirrada, xilli muddo Afar Maalin ah ay uga harsan tahay muddadii ay Golaha Shacabka fursadda ugu siiyeen waqtiga uu soo Magacaabayo Golhiisa Wasiirrada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...