Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Maxay kawada hadleen ku-simaha Madaxweynaha dalka Aadan Madoobe iyo Danjire James Swan?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka JF Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Isniintii maanta waxaa uu kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb James Swan.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay kawada hadleen weeraradii ugu dambeeyay oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka geysteen qeybo ka mid ah gobollada dhaca xadka aynu la wadaagno dalka Itoobiya.

Aadan Madoobe iyo James Swan ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay Qaramada Midoobay siineyso Golaha Shacabka ee Baarlamanka JF Soomaaliya, iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay u yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ku-simaha madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Danjire James Swan, ayaa kulankooda inta uu socday waxa ay ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gurmadka Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaska ay abaaraha saameeyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...