Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
RW Xamze iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga.
Geesta kale, Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Qin Jian ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





