Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Laba wasiir oo ka tirsan Puntland oo shaqo joojin lagu sameeyay

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqo-joojin ku sameeyey Wasiirka Duulista Hawada iyo Wasiirka Dekedaha Puntland kuwaasi oo lagu eedeeyey ku lug-lahaanshaha celinta diyaaraddii shalay ee Boosaaso.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland, ayaa lagu sheegay in markii uu arkay baalmarida iyo fulin la’aanta waajibaadka dastuuriga ah iyo husiimo la’aanta mas’uuliyadeed ee fuointa Shaqada & waajibaadka dastuuriga ah ee Puntland Shaqadii looga joojiyay Wasiirka Duulista Hswada iyo Garoomada Xuseen Cismaan lugatuur & Wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaqada ay sii wadi doonaan labada Wasiir kuxigeen.

Horay waxaa u dhaqan geli waayey, wareegtooyin xilka qaadis iyo xil magacaabis ah oo uu soo saaray Madaxweyn kuxigeenka Puntland Axmed Karaash.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...