Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Muqdisho: Rag hubeysan oo dhac geysanayay oo la soo qabtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa howgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen rag burcad hubeysan ah oo dhac ka geysanayay xaafado kat irsan degmadaasi.

Ragga Burcadda ah ayaa isugu jiray rag ku labisnaa dareeska Ciidamada Millateriga Soomaaliya, sidoo kale watay qoryo iyo rag kale oo iyana tooreeyo ku hubeysnaa.

Ragga la qabtay oo gaaraya ilaa 5 Dhalinyaro ah ayaa waxaa cabasho ka keenay Shacabka kunool xaafadaha degmada Deeyniile, kuwaas oo dhowr jeer ay dhac u geysteen.

War ka soo baxay maamulka degmada Deeyniile ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka raggan lagu qabtay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen cabasho uga timid qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degmada Deeyniile.

“Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa ka fulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah. taasna waxay noogu suuragashay wada shaqaynta shacabka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka degmada Deyniile.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Shacabka ku nool Xaafadaha degmada Deyniile waxaa ay ka caanayeen Rag hubeysan oo xilliyada habeenkii dhac u geeysanaya, kuwaas oo dadka qaarkood dilaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...