Thursday, May 28, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo noqday

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga, ayaa galabta ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin farxadda ciidda in ay la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban, ayaa ku borriyey dhammaan shacabkeenna in ay maalmahan badiyaan ducada iyo Alle bariga, istaakuleynta iyo ka warqabka dadkeenna danyarta ah, taas oo ka mid ah acmaasha ugu khayr badan.

Dhanka kale, Safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada Ciidamada, iyadoo Madaxweynuhu uu u kuur galay xaaladda ee ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ku dhaqan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...