Monday, May 25, 2026
26.2 C
Mogadishu

Shidaal la’aan baahsan oo soo waajahday magaalooyinka dalka Itoobiya

Addis Ababa (Halqaran.com) – Waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalka Itoobiya oo ay ka mid tahay caasimadda Addis Ababa ayaa waxaa soo wajahday shidaal la’aan baahsan, kaddib marki ay dowladdu sheegtay iney la noqoneyso lacagihii ay shidaalka ku kabeysay.

Qorshaha ay dowladda kula noqoneyso lacagihi ay shidaalka ku kabeysay oo dhowr waji ka kooban wajigii ugu horreeyey, wuxuu dhaqan galayaa dabayaaqada toddobaadkan.

Gaadiid Safaf dhaadheer ugu jira si ay shidaal u helaan ayaa lagu arkayaa magaalooyinka waaweyn.

Dowladda Itoobiya ayaa qiimaha shidaalka lagu iibiyo muddo dheer kabeysay, balse hadda waxay dowladda u muuqataa iney arrinkaa ka laabatay.

Lemmeesaa Tulu oo ka tirsan wakaaladda shidalka iyo tamarta Itoobya wuxuu sheegay bilihii May iyo June iney shidaalka dalka dowladda ku kharash gareysay $268 malyan oo doolar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...