Minneapolis (Halqaran.com) – Larry Andre, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xorriyadda.
Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis oo qeyb ka ah dabbaaldegga xuska xorriyadda Soomaaliya oo socon doona muddo toddobaad ah.
“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen wixii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre waxa uu sheegay in aqoonsiga wada-hadallada maqaamka madax-bannaanida ay tahay inay si gaar ah u go’aamiyaan Soomaaliya iyo Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu wax ka bedeli doono siyaasaddiisa Soomaaliya oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbedel ah la sameeyo.
Wuxuu ku soo beegmayaa hadalka Safiirka Maraykanka waqti Somaliland ay dowladda Maraykanka u gudbisay in loo ixtiraamo gooni isku taagooda ay ku doonayaan in kaga go’aan Soomaali inteeda kale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





