Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa la siiyay fasax laba todobaad ah sababo la xiriira inay soo gutaan Xajka iyo inay ka qeyb qaataan farxadda Maalmaha Ciidul Adxa.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Buux ayaa Xildhibaannadda looga codsaday in ay xaadir ku ahaadaan Golaha shacabka maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 16 July 2022 si waajibaadkiisa dastuuriga ah Goluhu u guto.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin ay kamid yihiin ansixinta Golaha Wasiirrada uu dhawaan magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannewns@gmail.com





