Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa Sabtidii maanta xabsiga ka sii deysay laba Wariye, oo tan iyo 13-kii bishii April ku xirnaa Magaalada Hargeysa.
Wariye Maxamed Cabdi Ilig iyo Wariye Cabdijabaar Maxamed Xuseen ayaa dib u helay xoriyadooda, ka dib markii laga sii daayay Jeelka Weyn ee Hargeysa.
Wariye-yaashan iyo kuwo kale oo horaan xabsiga laga sii daayay ayaa ku eedeysnaa inay si aan sax ahayn u tebiyeen isku dhac xilligaasi Jeelka Hargeysa ku dhex maray Ilaalada Xabsiga iyo maxaabiista qaarkood.
Labadan Wariye ayaa lagu sii daayay cafis uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi u fidiyay.
Labaduba waxa ay soo dhaweeyeen tallaabada ay dib xoriyadooda ugu heleen, waxaana jira weriyeyaal kale oo weli xabsiga ku xiran.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





