Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Maxaa looga hadlay kulankii guddoonka golaha shacabka iyo kan dowlad goboleedyada?

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Xildhibaan Cali Siciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Guddoonka Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo looga hadlaayey dardar-gelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqeyn karaan baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka iyo kan Federaalka.

Guddoomiye Adan Madoobe ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan golayaasha wakiiladda dowlad goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxa uu sheegay in wada shaqeyn buuxda dhexmarto si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha Sharci dejinta dalka iyadoo loo ballan sanyahay kulan wadajir ah oo laqaban doono maalmaha soo aaddan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...