Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada (Sawiro)

Muqdisho(Halqaran.com) –Kusimaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaaladda Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xoriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen  si nabad ah, kulanka  oo ay  goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala dawan, iyadoo kusimaha madaxweynaha dalka  uu faray laamaha Amaanka in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.

Sido kale laamaha Amniga iyo Saraakiisha ciidamada Dalka ayaa shegay in ay bixin doonan Dadaalo dheeri ah iyo in ay ka shaqeeyn doonan sidii ay si nabad ah ugu qabsoomi hayeed maalmaha xuriyada.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ka dhacaan munaasabaddo waaweyn oo loogu dabaa-degayo xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...