Itoobiya(Halqaran.com) –Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan toddoba qof oo Soomaali xoolo dhaqata ah lagu dilay deegaan lagu Magacaabo hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee mara deegaanka Canfarta halka dhawr kalena lagu dhaawacay.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka soo jeeda qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqato Soomalai ah oo u arooray wabiga, halkaa oo sidoo kale la sheegay in lagu qaaday xoolo gaaraya ilaa afar kun oo neef.
Dad farabadan oo xoolo dhaqato ah kuna noolaa deegaanka Canfarta ayaa marar kala duwan waxaa lagu qaaday weeraro sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena ay dhaceen dagaal beeleedyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





