Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo daahfurtay Barnaamijka Gurmadka Degdega abaaraha.

Muqdisho(Halqaran.com) –Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta daah furay Barnaamijka Gurmadka Degdega ah ee looga jawaabayo abaaraha dalka ka taagan.

Barnaamijka maanta uu daahfuray Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa waxaa ay iska kaashadeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM, WFP iyo UNICEF, iyada oo ay maalgelisay Dawlada Ingiriiska. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ergayka

Ergayga ayaa munaasabadii furitaanka u mahadceliyey Dawlada Ingiriiska, isagoo xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xiriirinta iyo fududeeynta gargaarka lagu taakulaynayo dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen.

Wuxuu kaloo ergeyga ka mahadceliyey jawaabta degdeg aha ee ay dawladaha deeqaha bixiya iyo kuwa Qaramada Midoobay ka baxiyeen qayladhaantii ergayga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wada dadaalo kala duwan oo gurmad loogu sameeynayo dadka ay Abaaraha saameynta ku yeesheen, wuxuuna horey CC Shakuur Warsame ula kulmay Beesha Caalamka oo uu ka dalbaday inay dowladda SOomaaliya ka taageeraan sidii gargaar loo gaarsiinta dadka ay Abaarta saameeysay.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...