Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday xarumaha Ciidanka ee degaanka Bariirre.

Bariire(Halqaran.com) – Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo dhawaan ciidamada Gorgor ay ku dileen dad shacab ah.

Ujeedka taliya uu halkaasi u tagay ayaa ahaa inuu u kuurgalo xaaladda guud ee bulshada iyo ciidanka ka howlgala tuulada Bariirre oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose iyo inuu ku dhiirri geliyo dagaalka ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku boorriyay inay gacan adag kula dagaallamaan kooxda nabad-diidka ah, wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada.

Deegaanka Bariire ayaa ka mid ah deegaanada ay had iyo jeer weerarada culus ku soo qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Ugu dambeyntii taliyaha ayaa kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degaanka Bariirre, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka maaddaama ay Carruurtooda iyo guryahooda ugu soo tageen inay naftooda iyo hantidooda ka badbaadiyaan cadowga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...