Saturday, May 16, 2026
31.9 C
Mogadishu

Koonfur Galbeed oo Meel fagaara ah ku toogatay Nin Dilay Haweeney Deyn Ku laheyd+Sawiro.

Baydhabo(Halqaran.com)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay kuwaramayaan, in goordhaweyd lagu toogtay Nin Todobaadkaan Magaaladaasi ku dilay Haweeney lagu magacaabi jiray Aamina maxamuud malaaq oo ka mid ahayd dadka Reer Baydhaba, sidoo kalena ahayd ganacsato.

Ninkan oo lagu Magacaabayay Maxamed Xasan Maxamed (Doomeey) ayaa Haweeneyda waxa ay ka dalbatay deyn lacageed  ay ku laheyd, balse waxa uu ugu yeeray gurigiisa si uu ugu wareejiyo maadaama uusan lacag u heyn kadib ayaa waxa uu geystay dil aad fuulxun.

Maxkamadda ayaa laa horkeenay caddeymo muujinaya in dilka uu ka dambeeyay Ninka saaka la toogtay, iyadoo sidoo kale dilka lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha waxaa si weyn u soo dhaweeyay shacabka Reer Baydhaba, oo markii hore si weyn uga arga-gaxay dilkii foosha xumaa ee uu kula kacay marxuumad Aaamino.

Boqolaal kamid ah Shacabka Magaalada Baydhabo, Saraakiil katirsan Maxkamadda Gobolka Baay iyo ehellada Haweeneyda ayaa ku sugnaa goobta toogashada, kuwaas oo sheegay in si cadaalad ah kiiskaasi loo dhameeyay.

Ugu dambeyntii Aamina ayaa dhawaan waxaa maydkeeda lag helay guriga Ninka saaka latoogtay, iyadoo mayd ah, kadib maalmo badan oo la raadinayay, waxaana la sheegay in Ninku intuu dilay uu kadibna Boosaneer ku riday.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...