Saturday, May 16, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Cabdi Casiis Laftagareen oo magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradiisa.

Baydhabo(Halqaran.com)- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta waxaa uu Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada oo banaanaa, kuwaas oo mas’uuliuiintii haayay ay kamid noqdeen Xikdhibaannada Golaha Shacabka.

Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa gaaraya illaa shan Wasiir oo badali doona Wasiiradii hore ka dib markii ay ka mid noqdeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala  ah:

  1. Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
  2. Dr Cali Cabdi Macalin ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta, maalgashiga iyo Hormarinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
  3. Maxamed Isaaq Cabdi ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
  4. Xasan Cabdi Nuur Aadan ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed
  5. Sandheere Maxamed Iftiin ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada ee la Magacaabay ayaa bedelaya Xubnihii horaybu haayay, kiwaas oo xilalkooda ku waayay kamid noqoshada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...