Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Galmudug oo soo bandhigtay ciidamo la dagaallamaya Al-Shabaab +SAWIRRO

Galmudug (Halqaran.com) – Saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Dadka Deegaanka Wisil, kuwaas oo loo diyaariyay xorreynta Koonfurta Gobolka Mudug .

Tababarkaan ayaa waxaa bixinayay Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug, waxaana soo xiritaankii ka qeyb galay Saraakiisha ka tirsan Xoogga Dalka, Daraawiishta iyo mamaulka deegaanka Wisil.

Geedi Qalabxoor oo ka tirsan Saraakiisha Tababarka Bixinayay ayaa Warbaahinta Dowladda uga warbixiyay Ciidanka Tababarka qaatay ayaa sheegay inay ahaayeen kuwo si iskood ah ay dadka deegaanka u qoreen, hayeeshee wixii xilligaan ka dambeeya ay katirsan yihiin Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Gaashaanle Dhexe Axmed Maxamed Xaashi kana tirsan Xoogga Dalka ayaa fariin Dardaaran u jeediyay Cutubyadaan Ciidankaa tababarka qaatay, isaga oo ugu baaqay inay si wanaagsan ugu adeegsaan Bulshadooda, isla markaana ka qeyb qaataan dadgaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba, deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Gobolka mudug ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo u dahxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...