Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Ahlu Sunna oo dooneysa in looga faa’ideeyo farriinta nabadaynta ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa Madaxweynaha cusub ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ka filaya in uu dhexdhexaadiyo iyaga iyo Maamulka Galmudug.

Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa sideeddii bilood ee ugu dambeysay isu uruursaneysay deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, ka dib dagaalkii bishii October ka dhacay Magaalada Guriceel.

Ilo ku dhow dhow Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ka doonayaan inay ka soo qaybgeliso dadaalada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, si xal looga gaaro xurgufta kala dhaxeysa Madaxtooyada Galmudug.

Ilo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegaya in Hoggaanka Ahlu Sunna ay ku andacoonayaan in sifo aan sax ahayn loogala wareegay magaalooyinkii ay dhowr iyo tobanka sano ka arriminayeen.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa toddobaadkii hore sheegay inaanay iyagu cidina weerar ku ahayn, balse ay diidan yihiin shirqooladii ay u maleygtay sida uu yiri dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligii uu Madaxweynaha 8aad ahaa waxa ay dowladdiisu xiriir wanaagsan la laheyd Hoggaankii Ahlu Sunna, inkastoo mararka qaarkood ay is qaban jireen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii Khamiista ka hadlayay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa madaxda iyo bulshada reer Galmudug kula dardaarmay in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is qabsadaan, si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

Si kastaba ha-ahaatee baaqa Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee xilligan ayaa ah in lala heshiisiiyo Hoggaanka Galmudug, hal meelna lagaga soo jeesto dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqarna.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...