Monday, May 25, 2026
26.4 C
Mogadishu

DF Somaliya oo abaal-marin guddoonsiisay taliyaha ciidanka Uganda ee ATMIS

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa abaal-marin ku guddoonsiisay Magaalada Muqdisho Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda Brig Gen Keith Katungi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee magaalada Muqdisho, ayaa Sarreeye Guuto Katungi lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf uu ku muteystay doorkii weynaa ee uu ka qaatay sugida amniga doorashooyinka.

Shahaadada ayaa waxaa gudoonsiiyay  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed.

Taliyaha Ciidanka Uganda Gen Keith Katungi waxa uu sheegay in guushaasi ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, ka hor iyo inta lagu guda jiray doorashada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) ahaana guddoomiyihii Guddiga Amnia doorashooyinka ayaa uga mahadceliyey Brig Gen Katungi sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagnaayeen Xubnihii guddiga doorashooyinka iyo DFS.

“Waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya qaybta koowaad ee taageerada hagar la’aanta ah inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorashada,” ayuu yiri Gen Xijaar.

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa loo xilsaaray ilaalinta ammaanka gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, iyaga oo mararka qaar ka qeyb qaata dagaallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...