Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Muuse Biixi oo u hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, xusayna inay…

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Arbacadii maanta u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 31 sano guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ugu baaqay Soomaaliya in ay ixtiraamto qaddiyada madax-bannaanida Somaliland.

“Madaxweynaha doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isu dhiibay aad iyo aad baan usoo dhaweyneynaa, inaguna in aan kala nabadgalno oo aan isu duceyno baan idin ka dooneynaa kii hore iyo kan dambaba” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa uu si weyn uga soo horjeeday dowladda uu hoggaamibayay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Muuse Biixi:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...