Tuesday, June 23, 2026
25.2 C
Mogadishu

Ciidamada DF Somaliya iyo kuwa ATMIS oo dib ula wareegay Deegaanka Ceelbaraf

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwo DF Soomaaliya ayaa dib ula wareegay deegaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laba todobaad ka hor ay la wareegeen Al-Shabaab.

Ka hor la wareegitaanka degaanka Ceelbaraf Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa jirtay inay madaafiic ku duqeeyeen deegaanka.

Waxaana diyaaradaha kuwa Qumaatiga u kaca ee Helacopter-ka ay ku dageen Xerada Ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceelbaraf, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.

Dadka deegaanka Ceelbaraf ayaa ku waramaya in Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan kana yimid dhinaca deegaanka Miirtuugo ay iyana soo galeen deegaanka Ceelbaraf, kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Sbabaab.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay xaalad cakirnaan ah ka jirtay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana goor hore isaga barakacay badi dadkii deganaa oo ka cararay duqeymaha Ciidamada ATMIS iyo in dushooda lagu dagaalamo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...