Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Ubax dhigay Taallada SYL +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taallada halgameyaashii SYL kaga qayb galay munaasabad lagu xusayey 79 guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururka Dhallinyaradii SYL, ayaa taallada halgameyaasha dhigay ubax lagu maamuusayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalka.

Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in dhallinyaradu ay wax ka bartaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo, maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dalkeenna iyo kan guud ee ummada Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen, midnimo, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada iyo wadajirkooda, oo ah mabaadi’dii saldhigga u ahaa aasaaskii SYL.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada SYL waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Agaasimaha Guuud ee Madaxtooyada Qaranka Maxamed Cabdullaahi Ciise.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...