Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Arbacada maanta ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona lagu soo dhaweeyay Magaalada.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale, wuxuuna Maxamuud Sayyid ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay…
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay, inuu Muqdisho u yimid kulamo wadatashi ah oo uu la yeelan doono Mas’uuliyiin kala duwan, isla markaana ujeedka safarkiisa uu dib uga Warbixin doono.
Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay inay qeyb ka noqon doonaan dhammeystirka doorashooyinka dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo maalmaha soo socda lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
Socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ee Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay inay Go’aan ka qaadan doonaan Xildhibaanada Khilaafka ka jira ee lagu soo doortay Gobolka Gedo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





