Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

Guddiga Doorahada Madaxweynaha Soomaaliya oo la magacaabay +(Akhriso Magacyooda)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacbaka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni gooni ah oo ay Arbacada Maanta ah yeesheen, waxaa ay iska soo xuleen Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 17 Xubnood ayaa 10 kamid ah waxaa iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 Xubnood ay soo xuleen Xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ay diyaarin doonaan qorshihii lagu dooran lahaa Madaxweynaha muddo kooban, waxaana Magacyada 17 Xubnood ee guddiga ka kooban yahay ay kala yihiin.

Xubnaha ka socda Golaha Shacabka ayaa waxaa ay yihiin:-

1 – Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.

2 – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

3 –  Xildhibaan Nuur Mustafmukhtaar.

4 – Xildhibaan Beerey.

5 – Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.

6 – Xildhibaan Maxamed Caananuug.

7 – Xildhibaan Cumar yuusuf.

8 – Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Saddex Xubnood ayaa ka dhiman Xubnaha Guddiga ee ka socda Golaha Shacabka, waxaana Guddoomiyaha uu sheegay in saacadaha soo socda lagu soo dari doono.

Xubnaha ka socda Aqalka Sare

1-  Sen. Cali Maxamuud Gacal oo ka socda (Koonfur Galbeed)

2- Sen. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo ka socda (Somaliland)

3- Sen. Catbdiqani Geelle Maxamed oo ka socda (Puntland)

4- Sen. Farxaan Cali Maxamuud oo ka socda (Galmudug)

5- Sen. Ibraahim Awgaab Cusmaan oo ka socda (Jubaland)

6- Sen. Zamzam Cabdullaahi Axmed oo ka socda (Hirshabeelle)

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...