Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Sheekh Aadan Madoobe +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Madaxweynaha Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka  11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...