Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Sooomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiye ku xigeenada Golaha Aqalka Sare.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulanka uu la qaatay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in anjendaha kulan uu ahaa:
1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sare.
2- diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10aad.
3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3aad, Kalfadhiga 1aad ee Aqalka Sare.
Sidoo kale, kulanka guddoonka aqalka Sare waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





