Thursday, April 23, 2026
27.9 C
Mogadishu

Mareykanka: Waa in si deg-deg ah loo qabtaa Doorashada Madaxweynaha Somalia

Muqdisho (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa bogaadisay doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Muqdisho, iyada oo dalbatay in si deg deg loogu xajiyo doorashada madaxweynaha.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri; “waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay Baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda.”

“Waxaan boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada madaxweynaha.”

Geba-gebada doorashada guddoonka Baarlamanka ayaa waxaa sidoo kale bogaadiyey saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022. Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen saaxiibada.

“Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa sidoo kale booriyey in doorashada Madaxweynaha hadda lagu soo dhameeyo si dhakhso leh, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...