Baydhabo(Halqaran.com) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Qaramada midoobay.
Wafdiga ay hoggaaminaysay ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Kiki Gbeho ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa safarro dhowr ah ay ku tagatay dowlad goboleedyada dalka iyadoo ku kuur galaysa doorashooyinka iyo Abaara jira.
Sido kale Kulanka Cabdi Casiis iyo Wafdiga QM Waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed, shirkaan waxaa looga Hadlay arrimaha doorashooyinka golaha shacabka oo maraya heer gabagabo ah,iyo amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo Abaaraha saamaysay dadka iyo duunyada ee ka jirta deegaannada maamulka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





