Kyiv (Halqaran.com) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in ciidamada nukliyeerka Ruushka ay heegan sare galaan si ay uga jawaabaan waxa uu ugu yeeray “hadallada gardarada ah” ee hogaamiyaasha NATO.
Amarka ayaa ka dhigan in hubka nukliyeerka ee Ruushka loo diyaariyay diyaargarow dheeri ah , taasoo sare u qaadaysa khatarta ah in xiisadaha ay isku bedeli karaan dagaal nukliyeer ah.
Putin oo ka hadlayay kulan uu la qaatay saraakiishiisa sare, ayaa waxa uu faray wasiirka gaashaandhigga Ruushka iyo taliyaha guud ee ciidamada militariga inay ciidamada ku shaqada leh hubka nukliyeerka heygan galaan.
“Wadamada reer galbeedku kaliya maaha inay qaadayaan tallaabooyin saaxiibtinimo oo ka dhan ah waddankeena dhinaca dhaqaalaha, laakiin saraakiisha ugu sareysa ee xubnaha ka ah NATO waxay sameeyeen hadallo gardarro ah oo ku saabsan waddankeena,” Putin ayaa ka yiri telefishinka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





