Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.
Kuraastan maanta la shaaciyay waxa ay kala yihiin: HOP#078, HOP#012 iyo HOP#137, kuwaas oo la sheegay in la dooranayo 25-ka bishaan febraayo.
War ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay Liiska xubnaha Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa saddexda kursi, kuwaasi oo maalinta berri la xareyn doono sida uu qorshahu yahay.
1: HOP#012 oo uu hadda ku fadhiyo Xilshibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale
2: HOP#048 oo uu ku fadhiyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Janeraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud balse loo bedelay Qoondo Haween.
3: Hop#137 oo uu ku fadhiyo Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





