Muqdisho (Halqaran.com) – Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobalka Hiiraan.
Ciidamada Maletiriga ayaa Sidoo kale sheegay in howlgalkaasi lagu dilay hoggaamiyihii Jamhaddaha ee Al-Shabaab iyo lix kale oo ka mid ah dagaalamayaasha ururkaasi.
Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan ayaa hoggaaminayey howlgalkaan oo ururka 7-aad ee kumaandooska Danab ay fuliyeen, ciidanka ayaa burburiyey xarumo qaraxyada ay ku farsameyn jireen Al-Shabaab, sidoo kalena ay dadka shacabka ah uga uruursa jireen lacago baad ah.
Deegaanada Ciidanka ay howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.





Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka
Halqarannews@gmail.com





