Kuala Lambur (Halqaran.com) – Nin u dhashay Dalka Ciraaq kuna eedeysan in uu dilay Dahabo Cumar oo Soomaali ah ayaa loo gudbinayaa Maxkamadda sare ee Malaysia 9ka May 2022 sida ay sheegtay Maxkamad lasoo taagay sida uu xaqiijiyay mid kamid ah ehelka Gabadha la dilay.
Amaal Maxamed Siciid (Hoggaamo) sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia ahna Qunsulka Safaaradda oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in xubin kamid ah ehelka Marxuumadda uu ka qaybgalay fadhiga Maxkamadda ee go’aankaas lagu gaaray.
Sido kale waxaa Dhageysiga Dacwada ka qeyb galay xubno ka tirsan Ehelada gabadha Soomaalida ah ee la dilay dhawaan, taasi oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar oo Maanta lagu lagu aasi doono qabuuro ku yaalla Magaalada Kuala Lambur Kee Dalkaasi.
Booliiska Dalka Malaysia ayaaku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Ninka loo heysto dilka Dahabo Cumar oo u dhashay Dalka Ciraaq oo haatan ah Xukun suge ah kiiskiisana loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Dalkaasi oo go’aan ka gaari doonta Bisha Soo socoto.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





