Beledweyne (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Beledwayne gaar siisay deeq raashin ah, taasi oo loogu talagalay in wax looga qabto abaaraha ka taagan Gobolka Hiiraan oo ka mid Gobolada ay abaartu saameysay.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa deeqdan gargaarka oo dhan 20 Tan oo raashi ah ku wareejisay Mas’uuliyiinta ka socday Wasaaradda Gargaarka ee maamul Goboleed ka Hirshabeelle.
Sido kale Wasiirad khadiija maxamed diiriye ayaa sheegtay in Qaar kamid ah Gargaarkii Dowladda Imaaradka Carabta ay Maanta gaarsiiyeen Magaalada Beledweyne ee Gobolk Hiiraan.
Abaarta ka taagan qaar ka mid ah Gobolada Dalka ayaa ka sii dareysa, iyadoo Dowladda federaalka a= ay sheegtay in xaaladda deg deg ah oo dhinaca Abaaraha uu ka jiro dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





