Wajeer(Halqaran.com) – Wararka aynu ka heleyno qarax xoogan oo Maanta ka dhacay deegaanka Andaki ee koonfurta Gobolka Wajeer ee waqooyi bari ee kenya kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.
Qaraxa ayaa waxaa lagu sheegay in uu nuuca Miinada dulka lagu Aaso, ayaa waxaa uu haleelay Bas ay saarnaayeen dad Shacab ah, xili uu marayay deegaanka Andaki ee koonfurta Wajeer.
Inta la xaqiijiyay afar qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, halka tirro dad kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalo, si loogu daaweeyo.
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya oo goobta soo gaaray ayaa qaaday dhaawacyada oo ay geeyeen magaalada Wajeer, si loogu dabiibo halkaasi.
Qaraxyada ayaa ku soo badanaya Gobolka Waqooyi Berri Kenya, dhowan ayey aheyd markii qarax miino uu haleelay gaari Bas oo ku sii jeeday magaalada Mandheera, waxaana ku dhintay 13 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





