Muqdisho(Halqaran.com) – Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Xubna ka socda Midowga Musharraxiinta.
Shirka oo shalay furmay ayaa diirada lagu saarayaa arrimo ay kamid yihiin, amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Golaha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka wada hadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka, dhinaca kale goloha ayaa ka dhageystay talooyin ku aaddan hufnaanta doorashada.
Dhinaca kale waxaa lagu wada in Madasha Wadatashiga Qaran ay la kulmaan Xubno matalaya Bulshada Rayidka iyo Haweenka.
ugu danbeyn Waxaa lagu wadaa in shirkaan la soo gababa gabeeyo maalinta barri ah asiga oo laga soo saari doona Warmurtiyeed kaas oo jiheen doona doorashada oo dib u dhac ku yimd.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





