Sunday, July 26, 2026
26.6 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lakulmay Wakiilada Beeshe Caalamka (Maxay kawada hadleen?)

Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuimadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka Dalka.

 

Sida wararka  ay sheegayaan Kullankan ay yeesheen Goloha Wadatshiga Qaranka iyo Beesha Caalamka ayaa ku saabsanaa dardargalinta doorashooyinka dalka iyo Xoojinta Amniga.

 

 

Qoraal ka soo baxay  xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.”

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo balan qaaday in doorashada ay ku qaban doonaan si cadaalad ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...