Muqdisho(Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay.
Madaxwyane Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa Muqdisho u yimid ka Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.
Shirka ayaa waxaa horay u iclaamiyay Ras’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana muqdisho ku sugan dhammaan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka,marka laga reebo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen.
ugu dambeytii lama oga waqtiga rasmiga ah uu furmi doono shirka uu iclaamiyay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





