Tuesday, September 29, 2026
32.5 C
Mogadishu

Xaalad Kacsanaan ah oo Wali ka taagan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Muqdisho(Halqaran.com) –Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaah Deni & Kuwa gaarka u tababaran ee PSF ee kahor yihid xil ka qaadista agaasimahooda lagu sameeyay.

Magaalada Boosaaso waxa ay ka koobantahay afar xaafadood oo waaweyn, balse mid oo keliya ayuu culeeska u badanyahay, taasina waa xaafadda Ridhwaan ee ku taala dhanka Bari ee magaalada.

Xaafaddan waxaa ku yaala Goobaha ugu muhiimsan magaalada, kuwaas oo hadda sida muuqata isku badeley dhufeysyo ay xilli kasta suurtogal tahay in ay noqdaan furumo ay ciidamo ku hardamaan.

Wararka  Halqaran News ay heleyso ayaa sheegaya, in Magaalada  Boosaaso ay ka socdaan  dedaallo kala duwan oo lagu baajinayo in dagaal uu dhexmaro Ciidamada gaarka u tababaran ee Puntland PSF & PMPF oo dhaqdhaqaaqyada ugu badan sameynaya.

Wasiirka Amniga DG Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in xilka uu yahay meerto isla markaana aanay jirin cid looga harayo haddii xil ka qaadis lagu sameeyo, waxa uu Agaasime Maxamuud Cismaan ka dalbaday in uu xilka wareejiyo.

Todobaad ayaa ka soo wareegtay markii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday Agaasimaha hay’adda PSF, isla markaana u magacaabay Agaasime cusub, taasoo ay ka soo horjeesteen taliska PSF.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...