Muqdisho(Halqaran.com) –Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Xarunta Tababarka Booliska Gen. Kaahiye loogu doortayRa’iisul Wasaare Kuxigeenkii Mahdi Guuleed.
Doorashada kursigaas waxa dacwad ka gudiyay xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kursigaasi ku fadhiyay 4 sano ee la soo dhaafay.
Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa faray guddiga hirgalinta doorashada iyo guddiga maamulka doorashada goboladda waqooyi in ay hakiyaan ku dhawaaqista natiijada kursiga sumadiisu tahay HOP 239 ee shalay guddigu sheegay in uu ku soo baxay Mahdi Guulleed Khadar.
Warka Guddiga xalinta Khilaafka HOOS KA AKHRISO:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





