Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kalan layeeshay Safiiraka Dalka Mareykanka (Maxuu kala Hadlay?)

Muqdisho(Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Colleen Crenwelge.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Marwo Colleen & Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa isku soo hadal qaaday xaaladda kala guurka (Geedi-socodka) Dalka, kaalinta Washington ay ka qaadan karto doorashooyinka socda ee Soomaaliya.

Sido kale Kulankan ayaa la iskula soo hadal qaaday  xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo Gobolka,  arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo u diyaar garowga qabashada doorashada Madaxweynaha.

dhinaca Kale Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana si rasmi ah Magaalada Muqdisho ee Caasimda Dalka  ugu bilaabatay shaley doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya Gaar ahaan Gobollada waqooyi.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...