Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Britain: Magaca Ninka Soomaaliga ee loo xiray dilka Xildhibaanka Ingiriiska oo la shaaciyay

London (Halqaran.com) – Booliiska dalka Britain ayaa shaaciyay magaca nin Soomaali ah oo loo haysto dilkii Jimcihii la soo dhaafay loo geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka waddankaasi.

Cali Xarbi Cali ayaa la sheegay in loo xiray tuhunka ah inuu dilay xildhibaan David Amess. 25 jir-kan haysta dhalashada Ingiriiska asal ahaanse ka soo jeeda Soomaaliya ayaa lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka.

Wuxuu hadda ku xiran yahay Ninkan Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su’aallo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada.

Booliiska ayaa laga yaabaa inay sii hayaan ninkan illaa Talaadada ka hor intaanay ku soo oogin dacwad, ama aanay sii dayn.

Sidoo kale, booliiska ayaa weerarkan u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta.

Ugu dambeyn, dilkan waa kii labaad ee loo geysto xildhibaan ka tirsan baarlamanka Ingiriiska sanadihii la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsanayd xisbiga shaqaalaha taasi oo la dilay bishii July 2016.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...