Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu horreyn howllo kormeer ah ku sameeyay dhismaha Wadada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa.
Dhismaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda iyo dalxiiska deegaanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ku sameeyeen kormeer socod ah.
Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in Caasimadda la hormariyo.
Geesta kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa Arbacadii maanta dib u furay waddada kuliyadda oo muddooyinkii la soo dhaafay u xirneed sababa amni.
Ugu dambeyn, blshada Gobolka Banaadir ayaa horey uga codsatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sidii loogu furi lahaa wadadan oo isticmaalkeeda muhiim u ah isku socodka Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





