Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay wafdiga Turkiga +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo walaalahooda Turkiga uu yahay mid ku dhisan wax wada-qabsi iyo is ixtiraam, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna waxa ay abaal uga hayaan Dowladda Turkiga garab istaagga taariikhiga ah.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu waa mid soo jireen ah oo ku siman ilaa xilligii Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Maanta xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee dhidibbada adagi waxa uu u abuuray labadeenna dowladood fursado badan oo ah dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo is-dhexgalka labadeenna shacab.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga, dib u dhiska ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo is dhexgalka labada shacab ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Inkasta oo labadeenna dowladood, Somaliya iyo Turkiga, ay ka go’an tahay in ay si hagar la’aan ah u horumariyaan iskaashiga miro-dhalka ah, haddana xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labadeenna shacab ayaa ifaafalo wanaagsan u ah in uu sii jiri doono iskaashigeenna iyo walaal-tinimadeenna oo ay aas-aas u tahay cilaaqaad ku saleysan is-ixtiraam iyo wax-wada-qabsi.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xanuunka la qeyb sanayaan walaalahooda Turkiga oo dhawaan muwaadiniin ay kaga naf waayeen dabkii iyo fatahaadii ka dhacay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Turkiga, sidoo kalana sababay khasaare hantiyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...