Kabul (Halqaran.com) – Maleeshiyada Taalibaan ayaa la soo sheegayaa in gudaha u galeen caasimadda Afghanistan ee Kabul Axadda maanta ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xilli Maraykanku uu shaqaalaha safaaraddiisa diyaarado ku daadgureynayo.
Sarkaalkan Sare ayaa u sheegay walaaladda wararka ee Reuters in Taalibaan ay ka imaanayso Afarta jiho, laakiin ma bixin faahfaahin intaas ka badan.
War qoraal oo kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee madaxtooyada Afghanistan ayaa lagu sheegay in rasaas laga maqlay meelo badan oo ka agdhow Kabul, balse ciidamada ammaanka oo kaashanaya kuwa shisheeyee ay gacanta weli ku hayaan magaalada.
#Breaking: Taliban militants have started entering the capital, Kabul from all sides: Reuters.
— Ahmer Khan (@ahmermkhan) August 15, 2021
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in diblomaasiyiinta safaaradda laga dhoofinayo gegida diyaaraha ee degmada Wazir Akbar Khan, isla markaana la xoojiyay ammaanka garoonka, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo Mareykan ah loo soo diray Kabul, si ay gacan uga geystaan daadgureynta.
Toddobaadkii la soo dhaafay, ayaa sirdoonka Mareykan waxay sheegeen in qiyaasti saddex bilood ay Kabul ku sii jiri karto gacanta dowladda Afghanistan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





