Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Akhriso: Magacyada Lixda Senator ee maanta lagu doortay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) –  Waxaa Khamiistii maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka dhacday doorashada lix ka mid ah kurasta Aqalka Sare. waxaana ku tartamayay 12 musharax oo uu soo gudbiyay Madaxweynaha Galmudug.

Musharraxiinta ayaa marka hore waxaa ay khudbadahooda musharraxnimo waxaa ay u jeediyeen Golaha Wakiilada Galmudug, iyaga oo u soo badnhiga waxyaabaha ay qaban doonaan kana cosdsanayay inay codka siiyaan.

Kursiga koowaad ayaa waxaa Cod gacan taag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Siciid Siyaad Shirwac oo kamid ahaa Golaha Wasiirada Galmudug kadib markii uu u tanaasulay Maxamed Daahir Maxamed oo la tartami lahaa, balse doorashada ka haray.

Kursiga labaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Yuusuf Geella Ugaas oo Afartii sanoe ee la soo dhafay kursigan ku fadhiyay si lamid ah markii uu tartanka isaga haray Daahir faarax fiidow oo mar Wasiir kuxigeen kasoo noqday Galmudug.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Cabdi Axmed Dhuxulow  (Dhagdheer) oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhiyay kadib markii uu tanaasulay Musharax Nuur Xassan Guutaale.

Kursiga Afaraad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Samsam Daahir Maxamud oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhiday  kadib markii ay tanaasushay Musharax Farxiyo Maxamed Guurre

Kursiga Shanaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator  Cabdi Xakiim Macalin Axmed oo Afarsii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka balse u soo wareegay Aqalka Sare kadib markii ay u tanaasushay Ismahaan Cabdi Xussen.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashadii Maanta ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Duniyo Maxamed Cali  oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsaneyd Golaha Shacabka balse u soo wareegtay Aqalka Sare  kadib ay u tanaasushay Musharax Khadra cabdhlahi isxaaq.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...