Tokyo (Halqaran.com) – Orodyahanka Soomaaliyeed Cabdi Aadan Nageeye oo u ordayay dalka Niederland oo kaalinta labaad ka galay oradka dheer ee Marathonka adduunka ayaa wareysi gaar ah siiyey laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.
Mr Nageeye ayaa wareysigaasi ku sharrxay sababta uu u caawiyay Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium oo isna kaalinta sedexaad ka galay tartankaas.
Warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada Soomaalida ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay hadal heyay qaabkii uu Nageeye u dhiiragaliyay Bashiir Cabdi.
Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Nageeye oo dhammeystiran, waxaana wareystay wariyaha VOA-da Ibraahim Cumar Baafo:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





